DFS oo lagu eedeeyay inay jirtay Isgaarsiinta Koonfurta Soomaaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ah ayaa lagu eedeeyay inay damisay Internetka iyo Isgaarsiinta Koonfurta Soomaaliya, xilli illaa maanta aysan shaqeynay Isgaarsiinta Koonfurta Soomaaliya.

Agaasimaha Machadka Heritage Abdirashiid Hashi ayaa sheegay In Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay damisay Internetka iyo isgaarsiinta koonfurta Soomaaliya, isagoona xusay in adeega lacagaha ee Mobile-ka , aan la adeegsan Karin Jubaland iyo Galmudug.

Maqnaanshaha Isgaarsiinta Koonfurta Soomaaliya ayaa kusoo aadaysa xilli ay shalay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya rideen Xukuumaddii Ra’iisulwasaare Kheyre, ayna soo baxayaan inuu jiro mooshin ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo.

Dadka kunool Koonfurta Soomaaliya ayaa wax ku iibsada adeegsada VC PLUS ee Shirkadda Hormuud, kaas oo ay ku tiirsan tahay Guud ahaan Nolashood.