Midowga Yurub oo si kulul uga hadlay riditaanka Xukuumaddii Kheyre (VIDEO)

Midowga Yurub ayaa sharci-darro ku tilmaamay hanaankii uu u maray Golaha Shacabka BJFS Xasaanad kala noqoshada Xukuumaddii Ra’iisulwasaare Xassan Cali Khayre, isagoona digniin adag u diray cid kasta oo ku howlan inay dib u celiso hormarada laga sameeyay Geedi-socodka Xasiloonida, Dilmuquraadiyadda, iyo Hormarada kale.