Wariyayaasha Puntland oo la barayo Tabinta Wararka Garsoorka (Sawirro)

Ururka Warbaahinta Puntland ee (MAP) ayaa maanta 26 Luulyo, 2020 ka furey magaalada Garowe tababar ay ka qayb qaadanayan 30 Saxafi kaasi oo socon doona saddex maalmood laguna baranayo habka tebinta warbixinada iyo wararka la xiriira Garsoorka Puntland.

Gudoomiyaha Maxkamada sare Puntland Sheikh Nuur Ciise Maxamed ayaa si rasmi ah u furey, waxana tababarkan qayb ka yahay dadaalka MAP ay ugu jirto helida warfidiyeeno takhasus u leh ka warbixinta arrimo gaar ah.

Gudoomiyaha MAP ayaa uga mahadceshay hay’adda NED garab istaaga ururka iyo kaalinta ay ka qaadatay sare u qaadida aqoonta saxafiyiinta iyo horumarinta guud ahaan saxaafada Puntland.

Inta uu socdo waxa tababarka lagu soo bandhigi doonaa buug-yaraha hagaha warfidiyeenka ee ka waramida arrimaha garsoorka oo indhowaale MAP waday la tashiyadiisa.

Waxa xusid mudan in horaantii sanadkan MAP tababartay saxafiyiin qaabilsan keliya tebinta wararka la xiriira Barlamaanka Puntland.