Wasiirka Waxbarashada Puntland oo lagu soo dhaweeyay Gaalkacyo (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland Mudane C/llaahi Maxamed Xasan, ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Munaasabadan soo dhawaynta ah oo ay soo qaban qaabiyeen Bahda Waxbarashada Mudug, ayaa waxaa goobjoog ahaa Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug Mudane Axmed Huruuse Xaashi, Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Gaalkacyo Cali Cabdi Sahal, Kormeeraha Waxbarashada Gobolka Shufeer, Aqoonyahano, Maamulayaal Dugsiyo sare iyo kuwa dhexe iyo Macalimiin.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Puntland oo la hadlay Bahda Waxbarashada Gobolka Mudug ayaa uga mahadceliyay soo dhaweeynta ay u sameeyeen iyo dadaalka ay ugu jiraan waxbarista Carruurta Puntland, isagoon xusay in looga baahan yahay inay sii dardar-geliyaan shaqooyinka ay u hayaan Bulshada.