DEG DEG: Madaxweyne Farmaajo oo safar qarsoodi ah ku tagay Itoobiya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa socdaal aan la shaacin oo deg deg ah ugu amba-baxay magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa galabta ka dhoofay magaalada Muqdisho, isagoona Addis Ababa kula kulmaya Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Ahmed.

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo oo la hadal-hayay maalmihii lasoo dhaafay ayaa kusoo aadaya xilli labo maalin kahor ay Golaha Shacabka BJFS tuureen Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Kheyre, taas oo albaabo waa weyn ku furtay Villa Soomaaliya.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.