Kheyre oo maanta boorsooyinkiisii ka rartay Villa Somalia

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa si rasmi ah maanta uga guuray gurigii uu ka degnaa xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, kaddib markii labo maalin kahor ay Xukuumaddiisa tuureen Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS.

Xasan Cali Khayre, oo xilka Ra’iisul Wasaare hayay muddo 3 sanno iyo 6 bilood ah, ayaa habeen kahor ku dhawaaqay in isaga oo og in sifo sharci-darro ah loo maray xil ka qaadistiisii uu go,aansaday inuu u turo dalka, xilkana uu iska casilo, isagoona isla habeenkaas baneeyay Xafiiska.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hada ku mashquulsan magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub ee bedelaya Kheyre, waxaana uu wadaa la tashiyadiisii u dambeeyay, isagoona la filayo in 48 saac ee soo aadan uu magacaabo.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.