Ma dhab baa in Xilkii laga qaaday Taliye Saadiq Joon ?

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in Xilkii laga qaaday Taliyihii Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir Saadiq Joon, kaas oo caan ku ahaa weerar ka dhanka ah Siyaasiyiinta iyo Dadka kasoo hor-jeeda Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Saadaq Joon waxa uu kamid ahaa saraakiisha ugu dhawaa ee la shaqeynayey Ra’iisul wasaarihii Baarlamaanku eryey ee Xasan Cali Kheyre, isagoona awood ku dhex lahaa Dowladda.

Warar dheeraad ah ayaa sheegaya in sidoo kale xilalkii laga qaaday, qaarkoodna laga bedelay meelihii ay joogeen saraakiil kasoo jeeda Beesha Hawiye ee uu kasoo jeeday Kheyre, kuwaas oo laga baaqay inay sameeyeen dhaq-dhaqaaq ka dhan ah Villa Soomaaliya.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.