Madaxweyne Deni oo kormeeray Garoonka Cawaale iyo xarumaha Dowladda ee Gaalkacyo (VIDEO)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeeray Dhisme loogu talagalay in ay xarun u noqoto Xafiisyada Hayáddaha Dowladda ee Gobolka Mudug iyo Garoonka Kubadda Cagta ee Cawaale oo isna dhismihiisu meel wanaagsan marayo.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif muuse nuur oo Madaxweynaha uga warbixiyey xarumaha uu kormeeray.

Xarunta dhismaha Dowladdu waa xarun loogu talagalay inay xafiisyo u noqoto inta badan Hayáddaha Dowladda ee Gobolka Mudug, sida Guddoomiyaha Gobolka iyo qaar ka mid ah Wasaaraddaha Dowladda, waxaana uu qorshuhu yahay in dhowaan dhismihiisa la dhameystiro.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxaa uu kormeeray Garoonka Kubadda Cagta ee Cawaale, Madaxweynaha ayaa ku dhex-lugeeyay garoonka si uu u arko qeybaha kala duwan ee Garoonka iyo sida dhismuhu u socdo.

Garoonka Kubadda Cagta ee Cawaale ayaa meel wanaagsan uu maraya dhismihiisu , waxaana uu Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni uu ballan qaaday in Dowladdu dhameystiri doonto dhismaha garoonka.