Madaxweyne QoorQoor oo maanta tagaya magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor, ayaa maanta ku wajahan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waana markii ugu horeysay ee uu tagayo Muqdisho kaddib Doorashadiisii.

Lama oga ujeedada socdaalka Madaxweyne QoorQoor ee Magaalada Muqdisho, balse wararka ayaa sheegaya inuu la kulmayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.