Maqnaanshaha Isgaarsiinta Koonfurta Soomaaliya oo lala xiriiranayo rdistii RW Kheyre

Shabakadda Netblock ee la socota dhaqdhaqaaqa intarnet-ka ayaa Maqnaanshaha qadka ee Magaalada muqdisho la xiriirisay “dhacdadii baarlamaanka ee Sabtidii” ee la sheegay in xilka looga qaaday Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Qoraalka shirkadda ayaa lagu yiri “Ma jirto wax muujinaya in xarig caalami ah oo badda hoosteeda mara uusan shaqeyneyn oo saameeyay Soomaaliya,” ayaa lagu qoray farriin Twitter ah oo shirkaddaas ay baahisay.

Waxaa Netblock arrintan ku tilmaameysaa mid “la jaray” in ay tahay, waxayna la xiriirineysaa xaaladihii siyaasadda ee ugu dambeeyay ee Soomaaliya ka dhacay.

“Internetka la jaray ayaa weli ka taagan Soomaaliya iyadoo baarlamaanka uu u codeeyay in meesha laga saaro Ra’iisul Wasaare Khayre”, ayaa lagu qoray bogga shirkadda, 26-kii bishan June.