Maxaad ka taqaan Beesha calmatay kursigii laga Eryay Kheyre ?

Kursiga Wiilkan sii ilaaliyaha ka yahay waxaa aad iskugu raba beesha Habargidir oo mar taagan yaa salaanka fuula 20-sano kadib.

Mudulood oo loolanka ugu adag kala dhaxeeyo way gaabsadeen oo waxay isku waraysteen cadka weyn ee Madaxweynaha yuusan naga ciidayn midkan bil sadexa ah.

Sida xoguhu sheegayaan Habargidir loolan weyn oo Hawiyaha saami qaybsiga uleh kursigan kaga imaanayaa majiro xiligan.

Hadii Habargidir wayraxeedii rubuc qarniga ku jabo kursigaas, waxaa cad in Mudulood ciyaaray kubad fog si ilbaxnimo lehna u dilay Habargidir iyo hankeedii abaabulnaa!!

Su’aasha iswaydiinta mudan waxay tahay Kacdoonkii, guubaabadii iyo muusanawgii heerkeedu sareeyay ee Habargidir maku banjari doonaa Ra’isalwasaaraha muquunada ah mise sida Mudulood ayay is ceshan doonaan?? Ogow shaqsi aan miisaan cuslayn oo Mudulood ah waa loo dhiiban karaa Kursigaas lala liicliicayo.

Jibril Qoobey.