Midowga Afrika iyo IGAD oo ka digay xaalada Soomaaliya (Akhriso)

Midowga Afrika iyo Urur Gobaleedka IGAD ayaa si adag uga hadlay sidii Golaha Shacabka BJFS ay Xasaanada ugala laabteen Xukuumaddii Ra’iisulwasaare Xasan Cali Khayre, iyagoona ku tilmaamay sifo sharci-darro ah oo baalmarsan Dastuurka KMG ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Midowga Afrika iyo IGAD waxay ku boorinayaan hogaamiyaasha Soomaaliyeed inay muujiyaan midnimo, ayna ixtiraamaan heshiisyadii lagu gaadhay Dhuusamareeb ayna dhowraan waqtiyada lagu heshiiyay si waafaqsan Dastuurka Federaalka Ku-meelgaarka ah.

“Waxay kaloo hoosta ka xariiqeen muhiimada ay leedahay in la hubiyo in qaabkii doorashada ee lagu heshiiyay ee ka soo bixi doona guddiga farsamada ay qeyb ka tahay is afgarad ballaaran oo ku saleysan baarlamaanka, xisbiyada siyaasadeed, bulshada rayidka ah iyo qeybaha kale ee Soomaaliya. “