Baarlamaanka Puntland oo u yeeray Wasiirka Dekedaha Puntland si wax looga weydiiyay heshiiskii DP-WORLD (VIDEO)

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda Garoowe ayaa isku raacay in berri Baarlamaankau bilaabo ka doodista Heshiiska Shirkadda P&O Port (DP-WORLD) at kula wareegtay Dekedda Boosaaso iyo sababta hor-taagan fulida heshiiskaas.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa u yeeray Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), si wax looga weydiiyo heshiiska P&O Ports ( DP-WORLD), ay kula wareegtay Dekedda Boosaaso.