Deni ma isku bedelan doonaa soo xulashada 3 Wasiir & 1 sanno muddo kororsi ah ?

Deni ma isku bedelan doonaa soo xulashada 3 Wasiir & 1 sanno muddo kororsi ah ?

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor, ayaa dadaal ugu jira sidii Beesha Habargidir ay u heli laheyd xilka Ra’iisul Wasaaraha cusub, kaddib markii dhowaan ay rideen Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS Xukuumaddii Xasan Cali Khayre oo muddo dhan 3 sanno iyo 6 bilood kursigaan ku fadhiyay.

QoorQoor oo galinkii hore ee shalay gaaray Muqdisho ayaa kulan la qaatay Madaxweyne Farmaajo oo u sheegay inuu miiska u saaran yahay Beesha Habargidir kursiga, hadii uu ku guuleysto shuruudo ay ugu horeyso muddo kordhin 1 sanno ah oo kusoo qanciyo Dowlad Gobaleedyada oo ay ugu horeyso Puntland iyo Xisbiyadda mucaaradka ah ee ay hoggaamiyaan Madaxweynayaashii hore ee Dalka.

Madaxweyne QoorQoor oo intaas kaddib isaga soo tagay Farmaajo ayaa kusoo laabtay Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta kasoo jeeda Beesha Habargidir, kuwaas oo uu la wadaagay shuruudaha uu hordhigay Farmaajo, iyagoona qaarkood u sheegeen inay muhiim tahay in la qanciyo Puntland iyo Mucaaradka, waxaana ay xubnaha hadlay u soo jeediyeen in Saaxiibkiis Madaxweyne Deni oo uu la yahay xulafo Siyaasadeed ku qanciyo inuu soo xusho “Wasiirad Arrimaha Gudah,Qorsheynta iyo Waxbarashada iyo doorasho dadban oo loo saxiixo hada.taas bedelkeedana yeelo muddo kororsi 1 sanno ah oo loogu darro Farmaajo.

Wararka ayaa sheegaya in QoorQoor uusan weli wax xariir ah lasoo sameyn Madaxweynaha Puntland, uuna ku howlan yahay la-tashiyo dheeraad ah.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.