Maxaa ka socda Muqdisho caawa??

Xogta hoose ee jirtay waxay ahayd in kooxda Villa-du maanta soo saaraan xubnihii Gudiga Farsamada ee dhankooda si Wada xaajoodka Dhuusamareeb ubilowdo 1-da Bisha August.

Balse waxaa soo baxay isbadal weyn oo ay la yimaadeen saacadihii udanbeeyay kooxdu,kaasoo ah …

In Ra’isalwasaaraha ay si rasmi ah ugu sheegaan Beesha Habargidir in ay siinayaan,balse ku xiran yahay laba shuruudood oo kala ah…

B.In Shirka Dhuusamareeb dib loo dhigo ilaa September.

T.In Dowlad Goboleedyada ay kasoo dhaadhiciyaan mudo kordhin 13-bilood ah ka hor intaan la Magacaabin Rw cusub.

J.In Khayre ay kusoo qanciyaan xil wareejin iyo iscafin isaga iyo Madaxweynaha.

Haldoorkii Habargidir ee uu Fahad hor dhigay qorshahan way aqbaleen waxayna qabsadeen maalmo ay ku hawlgalaan.

Sida aan xogta ku helay Qoor-qoor iyo ragiisu waxay qorshaysteen in ay hawlgalaan si ay uhantiyaan kursiga RW ee ay muhiimka u arkaan xiligan.

Puntland in ay la xariiraan oo ay hor dhigaan balanqaad ah…

1.Doorasho dadban oo hada lagu kala saxiixdo Shirka Dhuusamareeb.

2.Wasiirada Arimaha gudaha iyo Qorshaynta oo ay soo magacawdaan.

3.Mashaariic dhawr ah oo gaaraya 28-Milyan dolar.

Sidoo kale Jubaland waxay udiyaarsadeen dhawr qodob..

1.In Ciidamada Gedo jooga laga soo saaro.

2.Madaxweyne Axmed Madoobe magacaabo Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolkaas

3.In Shirweyne beesha Sade lagu dhexdhexaadinayo gogosheeda la dhigo Kismaayo.

4.In Wasiirka Waxbarashada Axmed Madoobe keensado.

Dhanka Khayre waxay udiyaarsadeen in ay hor fariistaan oo ugaraabaan uga mahad naqaana dhismihii Galmudug xoogii uu galiyay,kadibna ay hordhigaan dalabka ah in isaga iyo Farmaajo ay isku geeyaan,beel ahaana Murursade uu ka keensado Wasiirka Amniga.

Mudulood waxay ugu talagaleen in ay beel ahaan u hor fariistaan ugana codsadaan taageero iyo tanaasul,isla markaana Wasiirka Arimaha dibada Abgaal ay keensadaan shaqsiga noqonaya.

Waare iyo Hirshabelle waxaa mar horaba la hadlay Fahad una sheegay in uusan ka hadlin xilka qaadistii Khayre hakiyana xubnaha gudiga ee uu magacaabay,taa badalkeeda lagu taageeri doono doorashada kusoo fool leh Oktobar.

Laftagareen isagana waa la casumay,waxaana toos ula xaajoon doona Fahad Yaasiin.

Weli qorshahan ma gaarin Puntland iyo Jubaland.

Balse halkaa markay marayso ayay xogtan banaanka usoo baxday gaartayna cid walba oo danaysa arimaha Somaliy,waana mida keentay in Qaramada midoobey ka hor dhacdo soona saarto digniintii maanta ee oranaysay waxaad rabtaanba sameeya cid idin aqoonsanaysaa majirto hadaad si gaar ah wax usamaysataan.

Jibril Qoobey.