Maxaa kasoo baxay kulankii Farmaajo & QoorQoor ?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor), ayaa xalay kulan ku yeeshay Madaxtooyada Villa Soomaaliya, iyagoona ka wada-hadlay magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub.

Kulanka oo ahaa mid albaabadu u xiran yihiin ayaa waxaa dhinacyada ku wehlinayay xubno katirsan Villa Soomaaliya iyo Xildhibaano la beel ah QoorQoor, waxaana intii uu socday diirada lagu saaray sidii beesha Habar-gidir u heli laheyd Ra’iisul Wasaaraha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xubnaha Beesha Habar-gidir ee uu horkacayay Madaxweyne QoorQoor la wadaagay inuu Beesha u hayo xilka Ra’iisul Wasaaraha, taas bedelkeedna looga baahan yahay, shuruudo ay ugu horeyso; In Dowlad Gobaleedyada oo ay ugu muhiimsan tahay Puntland iyo Xisbiyadda Mucaaradka ay kusoo qanciyaan muddo kororsi 1 sanno ah.

Madaxweyne QoorQoor iyo xubnihii uu hoggaaminayay ayaa Farmaajo u sheegay inay dib isugu laaban doonaan, kuna soo warcelin doonaan, iyagoona intaas kaddib kulan albaabadu u xiran yahay yeeshay.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News