Sweden oo walaac ka muujisay xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Sweden Ann Linde ayaa muujisay welwelka ay ka qabto is bedeladii ka dhacay Soomaaliya, gaar ahaan xil ka qaadistii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana ay sheegtay in muhiimaddu tahay wada hadal loo dhan yahay iyo inuu sii socdo, laguna taagnaado heshiiskii Dhuusamareeb.

“Sweden waxay walaac ka qabtaa isbedelada todobaadkan ka socda Somaliya,waxaa muhiim ah in wadahadalka loo dhan yahay uu sii socdo iyo in heshiiska Dhuusamareeb la ansaxiyo”ayay tiri Dowlada Sweden” stay tiri Wasiirka Arrimaha Dibedda Sweden.

Sweden ayaa ah dalka labaad ee Midowga Yurub ee bixiya dhaqaalaha ugu badan ee lagu taageero Soomaaliya.