VIDEO: Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay Khamri fara-badan

Ciidammada Booliska Gobalka Mudug oo howlgallo ka dhan ah Argagixisada iyo maandooriyaha ka wada magaalada Gaalkacyo, ayaa gacanta ku dhigay Khamri fara-badan iyo dadkii ka ganacsanayay.

Khamridan oo tiradeedu gaareyso 168 dhalo ayaa Ciidanku kusoo qabteen Xaafadda Suuq Barwaaqo, iyagoona sidoo kale gacanta kusoo dhigay Hal ruux oo ka ganacsanayay khamridan, sida uu sheegay Taliye ku-xigenka Qeybta Booliska Gobalka Mudug G/Dhexe Cabdisiciid Xuseen jaamac (Koomaad).