Wasiirka Waxbarashada Puntland oo kulamo ka wada Gaalkacyo (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Puntland Mudane Cabdulaahi Maxames Xasan oo ay wehlinayaan Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug Axmed Huruuse Xaashi, Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Gaalkacyo Cali Cabdi Sahal, Kormeeraha Waxbarshada Gobolka Mudug Shufeer ayaa kulan is xogwaraysi ah la qaatay Madaxda Jaamacadaha Magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Puntland oo ku sugan maalmahan Magaalada Gaalkacyo ayaa si joogtaah kulamo ay soo qaban qaabiyeen Bahda Gudoonka Waxbarashada Gobolka Mudug ula qaadanayah Ardayda, Maamulayaasha Dugsiyada, Madaxda Jaamacadaha, Ururada Ardayda Jaamacadaha, aqoonyahanada iyo Daneyaasha Waxbarshada Gobolka Mudug kulan kaas oo ka qabsoomay Xarunta Gudoonka Waxbarshada Gobolka.

Kulankan Maanta ee Madaxda Jaamacadaha Magaalada Gaalkacyo ayaa iska xog waraystay halka ay marayaah heerkooda waxbarsho, Tirada ardayda Xaadirta iyo xaaladaha ku gudbooon dhamaan arimahaas.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Puntland Mudane Cabdulaahi Maxamed Xasan oo ka hadlay madasha ayaa Bogaadiyey Madaxda Jaamacadaha shaqada Hagar la’aanta ah ee ay Bulshada u hayaan, isagoonah sheegay ka wasaarad ahaa inay garabtaaganyihiin marwalbanah waxaan qiraah heerka waxbarsho sare ee ka jirah Magaalada Gaalkacyo oo Budhig u ah Soomaaliyah iyo Puntland ba ah.