VIDEO: Donald Trump oo doonaya Muddo Kororsi

Madaxweynaha Maraykanka Donad Trump ayaa ka hadlay suurtagalnimada in dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha dalka Maraykanka oo la qorsheeyay inay dhacdo bisha November ee sanadkan.

Trump ayaa soo hadal qaaday arrintan maanta isagoo boggiisa Twitterka ku daabacay in halis ay ku jirto qaabka codeynta doorashada dalka Maraykanka.

“Doorashada 2020 waxa ay noqon doontaa tan ugu xun oo khiyaano ay ka buuxdo ee soo marta taariiqda Maraykanka,waxayn noqonaysaa mid ceeb ku ah Maraykanka, Dib ha loo dhigo inta ay dadku u codeyn karaan si sax ah oo haggaasan.”ayuu ku yiri twitterkiisa Madaxweyne Trump.

Trump ayaa ku celceliyay eedo ah in haddii lagu codeeyo habka boostada ay ka dhalan karto khiyaano, gobolo badan oo dalka Maraykanka ka mid ah ayaa qorsheynaya in sanadkan ay dadka ku codeeyaan adeegga boostada si loogaga hortago khatarta cudurka Coronaviruska.

Xilliga ay dhacayso doorashada ayaa waxaa jideeta congresska iyadoo bisha November na ay tahay mid ku qoran dastuurka dalka Maraykanka.

Musharaxa la tartamaya Madaxweye Trump, Joe Biden ayaa bishii April ee sanadkan sheegay in uu Trump isku dayi doono in dib loo dhigo doorashada Maraykanka.

“Trump iyo Ruushka waxa ay isku dayi doonaan in ay farogeliyaan doorashada.”ayuu yiri Biden 23kii April ee sanadkan.

Hase yeeshee waxaa arrintan ku tilmaamay dacaayad Madaxweyne Trump oo sheegay 27kii April in uusan weligii ku fekerin in la bedelo taariiqda doorashada.