Farmaajo iyo QoorQoor oo ku wajahan Turkiga

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyo Wafti uu hoggaamiyo ayaa ku wajahan Dalka Turkiga halkaas oo uu kulamo kula qaadan doono Madaxweynaha Turkiga oo heshiisyo uu u soo saxiixi doono.

Waftiga Madaxweyne Farmaajo oo lagu wado inay maanta socdaalaan ayaa waxaa qeyb ka ah Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor iyo Wasiiro katirsan Xukuumaddii la riday.

Ujeedada Socdaalka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo waftigiisa ayaa la xariira heshiisyo ay la galayaan Dowladda Turkiga, Farmaajo ayaana la kulmi doona Hoggaamiyaha Turkiga Erdogan.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.