Kalafadhiga 46-aad ee Baarlamaanka Puntland oo lasoo gaba-gabeeyay (VIDEO)

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa maanta soo xiray Kalafadhiga 46-aad ee Golaha, oo soo socday tan iyo 15-kii bishii June ee sanadka 2020.

Sidoo kale, Intii uusan Kalafadhigu soo xirmin ayaa Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland loo qeybiyay Dib-u-eegista Xeerka Isgaarsiinta Dowladda Puntland oo la ansixiyay 11/December/2007-dii, kaas oo mudanayaashu ka doodi doonaan Kalafadhiga 47-aad ee Golaha.

Xiritaanka Kalafadhiga 46-aad ee BDPL.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa intii ay ku gudajireen 46-aad, waxaa ay qabteen shaqooyin badan oo ay kamid ahaayeen laalistii Heshiiskii Puntland iyo Shiishalis ee ku aadanaa maxaabiista xabsiyadda Puntland ugu xiran falalka Burcad-badeed iyo doodii adkeyd ee ay shalay ka yeesheen Heshiiskii Dekedda ay kula wareegtay Shirkadda DP World.