Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan Imaaraadka carabta, & Ujeedada Socdaalkiisa (VIDEO)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, ayaa u safri doona gudaha bisha August Dalka Imaaraadka carabta, sida uu sheegay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa u tagi doona Dubai Arrimo la xariira Heshiiskii Dekedda Boosaaso ay kula wareegtay Saddex sanno kahor Shirkadda DP World, kaas oo dhigayay in 2 sanno gudahood ay Shirkaddu ku balaariso Dekedda, balse illaa hada aysan waxba ka qaban.

Wada-hadalka Madaxweynaha Puntland iyo Maamulka Shirkadda DP World ayaa noqon doona kii ugu dambeeyay oo Labada dhinac go,aan kama dambeys ah ku gaarayaan, maadama Shirkaddu ay horey u fulin weyday go,aanadii lagu gaaray wada-hadaladii hore ee dhexmaray, oo uu ugu dambeeyay kii ay ku balanqaaday inay bilaabayso shaqada bishii Maarso ee sanadkan 2020-ka, wallow uu carqaladeeyay cudurka COVID-19, sida uu xusay Wasiir Majiino oo maanta hor-tagay Baarlamaanka Puntland oo sheegay inay xaalada Dekedda Boosaaso ay go’aan ka gaarayaan Kalagadhiga 27-aad ee Golaha.