Madaxweyne Deni oo booqanaya Degmooyinka Goldogob iyo Bursaalax

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa lagu wadaa in socdaalkiisii kowaad uu maalmaha soo socda ku tago Degmooyinka Goldogob, Bursaalax iyo degaanada ku xeeran ee Gobalka Mudug.

Ujeedada Socdaalka Madaxweyne Deni ee Degmooyinkaas ayaa ah soo indha-indhaynta xaalada nolaleed ee Degaanadaas, hormarada ka jira iyo sida uu u gaaray adeega Dowliga ah. Madaxweynaha ayaana kulamo la qaadan doona Maamulka, Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Shacabka Degmooyinkaas.

Degaanadan uu booqanayo Madaxweynaha Dowladda Puntland oo ku yaalla dhulka Ciidka ah ee Gobalka Mudug, ayaa ku dhow xaduudka Puntland ay la wadaagto Dalka Itoobiya, waxaana haatan ka socda u diyaar-garowga soo dhaweeynta Madaxweyne Deni.