Mareykanka oo Ciidankiisa kala baxaya Dal ku yaalla Yurub

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in 12 kun oo askari ay kala baxeyso dalka Jarmalka, taas oo xukuumadda Washington ay ku sheegtay “istaraatijiyad dib loogu habeynayo ciidamadeeda ku sugan Yurub”.

Ciidamo gaaraya 6,400 askari ayaa dib loogu celin doonaa Mareykanka, halka kuwa kalena la geyn doona dallaka kamid ka ah gaashaanbuurta NATO sida Talyaaniga iyo Belgium-ka.

Madaxweyne Trump oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in sababtu ay tahay Jarmalka oo ku guuldarestay hadafkii NATO ee dhanka difaaca.

“Mardambe ma dooneyno in aan aragno kuwa jiqaya dhiiggeena,” ayuu Mr Trump waxyar kadib markii lagu dhawaaqay go’aanka.

“Waxaanu yareneynaa ciidamadeena jooga Jarmalka sababtoo ah ma bixiyaan kharashaadka ku baxa.”

Haseyeeshee arrintan ayaa cambaareyn xoogan kala kullantay mucaaradka Mareykanka ee aqalka Kongreska, kuwaas oo sheegay inay fursad u abuureyso Ruushka.

Madaxweyne Trump ayaa in muddo ka cabanayay xubnaha NATO ee Yurub oo uu sheegay in looga baahan yahay inay bixiyaan kharashka iyaga lagu difaaco.