Dabaal-degyada Xuska 1-da August oo ka bilowday Puntland iyo Caalamka

Dabaal-degyada Xuska 1-da August oo ku beegan 22 sanno-guuradii kasoo wareegtay Aas-aaskii Dowladda Puntland ayaa ka socda Degaanada Puntland, iyadoona munaasabado waa weyn oo lagu weynaynayo ay ka bilowdeen Magaalooyinka waa weyn, Degaanada iyo Guud ahaan dalalka caalamka ee ay kunool yihiin dadka Reer Puntland.

Munaasabadda ugu balaaran ayaa Caawa ka dhacaysa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, waxaana ka qeyb-galaya Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni.

Sidoo kale, Munaasabado ayaa saacadihii tagay ka dhacay magaalada Carmo iyo dalal kamid ah caalamka oo uu ugu horeeyo Dalka Mareykanka, iyadoona caawa laga xusayo Caasimadda Puntland ee Garoowe, Boosaaso, Qardho iyo Degaanada kale ee Puntland.