Dhabancad oo xariga ka jaray Waddooyin cusub oo laga hirgaliyay Garoowe (VIDEO)

Wasiirka Arimaha Gudaha,Federalka iyo Muqraadiyeynta Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa maanta xariga ka jaray wadooyin laami ah oo laga hirgaliyey Magaalada Garoowe.

Wadooyinkaan oo ka kooban 8 wado laami ah ayaa waxaa xariga ka jarkeeda ku wehlinayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, duqa casumadda, Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobalka, Taliska qaybta iyo guddiga horumarinta Degmada Garoowe, waxaana kasoo qaybgalay dadweyne kala duwan oo kala yimid xaafadaha magaalada Garoowe.