Madasha Xisbiyada Qaran oo ay hoggaamiyaan Madaxweynayaashii hore ee Dalka Sharif Sheikh Ahmed & Hassan Sheikh Mohamud, ayaa si adag uga hor-timid Guddiyo ay kamid yihiin Golaha Adeegga Garsoorka iyo Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed oo khamiistii ay ansixiyeen Wasiirada Xukuumaddii la riday ee Ra’iisul Wasaare Hassan Ali Khaire.