Ciidanka Jubbaland oo howlgallo culus fuliyay

Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 43aad oo ay wehlinayeen Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen degaannada Taabta, Cabdalla Biroole & Kulbiyow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka ayaa Saraakiisha hoggaamineysay waxaa ay sheegeen uu ahaa mid looga saarayay deegaannada ay gobolka Jubbada Hoose kaga sugan yihiin Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab,isla markaana ay guulo ka gaareen.

Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Maamulka Jubbaland ee Aaga deegaanka Kulbiyow ayaa sheegay inay weerareen Fariisin ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku kala yaalla duleedyada deegaannada Kulbiyow iyo Cabda-biroole,isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Dhinaca kale dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Jubbaland & Al-Shabaab waxaa uu ka dhacay degaanka Cabadalla-Biroole ee Gobolka Jubbada Hoose,waxaana Saraakiisha Ciidamada Jubaland ay sheegeen inay la wareegeen Goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab,sidoo kalena ay ku qabsadeen saanad Ciidan.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro ay Al-Shabaab ku qaadaan saldhigyada ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMIOSM ku leeyihiin halkaasi,waxaana Saraakiisha Ciidamada ay sheegaan inay iska difaacaan.