Deni “Puntland waxay dhaqaale iyo maskax ku bixisay dhismihii Galmudug” (VIDEO)

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo xalay khudbad ka jeediyay Munaasabadda 1-da Agosto oo ku beegan 22 guuradii ka soo wareegatay aas aaska Dowladda Puntland ayaa ammaan u jeediyay Dowlad Gobaleedka Galmudug.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Puntland ay soo garab taagneyd Galmudug tan iyo aas-aaskeedii oo dhaqaale iyo maskax ay ku bixisay, isagoona xusay inuu rajeynayo in Galmudug oo haatan dhameystiran ay ka wada-shaqeeyaan hormarka iyo Xasiloonida Gobalka Mudug & guud ahaan Soomaaliya.