Madaxwayne Deni “Islaantii Maxaad ku ogayd Indho la,aan, Dad Cuni ayay ku darsatay” (VIDEO)

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo xalay khudbad ka jeediyay Munaasabadda 1-da Agosto oo ku beegan 22 guuradii ka soo wareegatay aas aaska Dowladda Puntland ayaa sharci darro ku tilmaamay ansixintii Xukuumadda xilka sii heysa ee Golaha Adeegga Garsoorka, waxaana uu u diray Madaxweyne Farmaajo inuu ku digtoonaado, dalkuna haatan soo kabanayo in aanu dib ugu celin kala irdhow.

“Waxaan u baanhanahay Dowladda Soomaaliya inay ixtiraamto dastuurka, maalmihii u dambeeyay waxaa socda xadgudubyo dastuurka oo dhowr ah, kuwa horaa u sheegay ma rabo inaa ku noqdo kuwa hada cusub waxaa ka mid ah, xukuumaddii dhacday ee sida sharci darada lagu riday waxay saxiixeen golaha adeegga garsoorka oo ah qodob aad muhiim ugu ah dowlad dhiska Soomaaliya, hey’ada 3aad aas aaska u ah sharciga oo uu ka dhalan doono maxkamadda dastuuriga ah, sida sharci darada loo maray iyagoo awood laheyn inay ansixiyaan” ayuu yiri Madaxweyne Deni