Maxay ka wada-hadleen Madaxweyne Waare & Safiirka Qatar ? (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa hoyga uu ka degenyahay magaalada muqdisho ku qaabilay Safiirka dowladda Qadar Ee Soomaaliya Ambassador Hasan Bin Xamza Asad Maxamed waxaana ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira Horumarinta Deegaannada Hirshabelle, iyo Dar Dargalinta Mashruuca Dhismaha Wadada Jowhar iyo Muqdisho oo ay maalgalineyso Dowladda Qadar.

Safiirka ayaa Madaxweynaha Faah Faahin ka siiyay Fulinta dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo jowhar oo ay dhiseyso shirkad Laga Leeyahay dalka Turkiga, waxaana uu sheegay in ay ka go’antahay Dar dargalinta Mashruucaasi, waxaana madaxweynaha Dowladda Qadar uu kaga mahadceliyay mashaariicda ay ka wadaan dalka oo ay qeyb ka tahay Mashruuca jidadka Muqdisho iyo Afgooye, iyo Kan Muqdisho iyo Jowhar.

Sidoo kale, Inta Kulanka uu socday Waxa ay si qoto dheer kaga wada hadleen Fursadaha Maalgashi ee Hirshabelle kaga jira, iyadoo safiirka uu sheegay in dhowaan ay ka fulinayaan Mashaariic Horumarineed ayna diyaar u yihiin in ay ka faa’ideystaan Fursadaha Maalgasho Ee Hirshabell3 maadaama Hirshabelle Ay tahay dhul qani ah oo uu eebe ku maneystay Kheyraadka dhinac kasta ah.