Xildhibaano ku dhawaaqay qorshe ay abaabulayso Villa Somalia (VIDEO)

Xildhibaano ka tirsan barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo tiradooda ku sheegay 58 Xildhibaan ayaa kulan ay xalay ku yeesheen Muqdisho ku sheegay inay doonayaan in Barlamaanka lagu mideeyo, dalkana lagu badbaadiyo oo lagu gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya iney abaabulayaan qorshe Muddo kordhin loogu sameynayo dowladda, islamarkaana Baarlamanku ansixin doono.

Xildhibaanada oo ay dabada ka riixayso Madaxtooyada Villa Soomaaliya, ayaa Live kasoo galay bogga Facebooka ee Sii-hayaha Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha khadiijo Maxamed Diiriye.