Golaha Shacabka BJFS oo muddo kordhin u sameynaya Guddiga Xaliimo Yarey

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo Isniin ah ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshaan Xarunta kumeel gaarka ah ee Villa Hargeyska.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa xalay waxaa loo diray farriin ku saabsan in uu Maanta jiro kulanka Golaha Shacabka,isla markaana Xildhibaannada looga baahan yahay inay kasoo qeyb galaan.

Kulanka ayaa waxaa ay uga doodi doonaan si wadista dib-u-eegista miisaaniyadda Sanadka 2020 iyo u Codeyn wax ka Bedelka Sharci Num 75 Qodobkiisa 10aad ee Muda Xileedka Guddiga Madaxbanaan ee Xuduudaha iyo Faderaalka.

Guddiga Madaxbanaan ee Xuduudaha iyo Faderaalka ayaa waxaa ay muddada Shaqadiisa ku ekeed Baarlamaankii hore ee sanadkii 2016-kii, hayeeshee Shaqadiisa aan aan badneyn uu iska sii watay.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa qorsuhu yahay inay Guddiga Madaxbanaan ee Xuduudaha iyo Faderaalka mudada xilheynta u kordhiyaan si uu ula jaan qaado Baarlamaanka 11aad ee soo socda.