Madaxweyne Deni oo dhagax-dhigay wajiga 2-aad ee Wadada Nabadda Gaalkacyo (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta dhagax dhigay wejiga labaad ee Mashruuca dhismaha wadooyinka Nabadda ee isku xira Waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey sida Masuuliyiinta labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug ay uga wada shaqeeyeen hirgelinta wadooyinkan laamiga ah ee isku xiraya labada dhinac ee magaaladda, sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu u mahadceliyay Hay’adda SSF (Somali Stability Fund) ee fadhigeedu yahay Puntland oo kala shaqeysay mashruucan Dowladdaha Hoose ee labada dhinac Puntland iyo Galmudug.

Dhagax dhiga wejiga labaad ee Wadooyinka Nabadda Gaalkacyo, oo maanta ka dhacay Jidka 30ka ee isku xira xaafadaha Wadajir iyo Garsoor, waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Wafdi ka socda Galmudug oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Axmed Macalim Fiqi, Goleyaasha Dowladda Puntland ee ku sugan Gaalkacyo, Guddoomiyeyaasha degmada ee Puntland iyo Galmudug, Saraakiisha Ciidamada ee labada dhinac iyo Madaxda Shirkadaha Kabero iyo Alxayaad oo iyagu fulinaya dhismaha.