Sheekh Shariif “Madaxweyne Farmaajo 20 sanno xitaa Doorasho qof iyo cod ah kuma qaban karro” (VIDEO)

Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo khudbad ka jeediyay Shirweynaha Beelaha Mudulood, ayaa ayaa si qoto-dheer uga hadlay xaalada Siyaasadeed ee Dalka iyo jihada aan wanaagsaneyn ee Madaxweyne Farmaajo uu ku waddo Soomaaliya.

“Shalay markii Madaxweyne Farmaajo guuleystay aniga iyo Xasan Sheekh garbaha istaagnay cid nagu tiri ma jirto, ee annaga door bidnay, hadana Madaxweyne Farmaajo mandate ayuu leeyahay, waqtigiisa ha dhameysto” ayuu yiri Sheekh Shariif

Shariif Sheekh Axmed ayaa intaas ku daray “Dadka anaa ugu adkeysi badan isku heystaa haddii aan isku raacno in Madaxweyne Farmaajo kursiga loo daayo, waxba kama qabo laakiin, waxaan hubaa doorasho qof iyo cod in uusan ku qaban karin, xataa haddii 20 sano la siiyo”.

Ugu dambeeyntii, Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay Beesha Mudullood inay ka garawdo tabashooyinka beelaha kale ka qabaan oo ay la fariistaan, lagana bilaabo beelaha u arka in laga xoog iyo tiro badan yahay, isagoo soo dhoweeyay tallaabada Imaamka ee uu ku soo jeediyay in lala fariisto beelaha banaadiriga oo wixii ay tabanayaan laga garaabo.