Taliye cusub oo loo magacaabay Ciidamada AMISOM, dalkee u dhashay ?

Howlgalka Midowga Afrika AMISOM ee Soomaaliya ayaa waxaa ay xilkii ka qaadeen Taliyihii Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya Gen. Tigabu Yilma, iyaga oo u soo magacaabay taliye cusub oo badalaya Taliyihii hore.

War kasoo baxay Howlgalka Midowga Afrika ayaa lagu shaaciyay in Taliyaha Cusub ee Ciidanka AMISOM Soomaaliya uu noqonayo Lieutenant General Diomede Ndegeya oo dhalashadiisu tahay Burundi,waxaana taliyihii hore uu u dhashay dalka Itoobiya.

Taliyihii hore ee Ciidamada AMISOM Soomaaliya Gen. Tigabu Yilma oo xilkaan loo magacaabay bishii Janaayo, 2019 kii ayaa saaxiib dhow la ahaa Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa dhawaan la filayaa in uu xilka ku wareejiyo Taliyaha Cusub ee AMISOM.

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa waxaa ay Ciidamadooda ay taageero dhinaca Amniga ah siiyaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya,waxaana laga kala keenay dalalka, Kenya, Uganda, Burundi, Jabuuti iyo Itoobiya, waxaana ay dagaalo culus la galeen Al-Shabaab.