Urur Mustaqbal “Waa in si deg deg ah loo dhiso Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland” (VIDEO)

Xog-hayaha Urur Siyaasadeedka Mustaqbal (Mustaqbal Party) Cabdifitaax Maxamed Sugulle, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ku ammaanay sida ay uga go’an tahay hanaanka dilmuquraadiyeynta Puntland Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland iyo Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni.

Xog-hayaha Mustaqbal Party ayaa xusay inay aad uga xun yihiin talaabadii ay dhowaan dib ugu dhigeen Baarlamaanka Dowladda Puntland dhameystirka xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland, isagoona ku baaqay in si deg deg ah loo dhiso Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland.