VIDEO: Wasiir hore oo katirsan Xukuumaddii Kheyre oo siro badan bixiyay

Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya ee xukuumadii Kheyre ayaa markii u horeysay ka warbixiyey arrimihii loo cuskaday xil ka qaadistiisi, xili uu ku gudo jiray imtixaanadkii shahaadigii ahaa ee dalka.

Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa 26-kii July ee sanadka 2018-kii uu ra’iisal wasaare Kheyre si lama filaan ah xilka uga qaaday, sida xiligaasi lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Inkasta oo si cad loogu sheegin wareegtadii xilka looga qaaday sababtii ka dambeysay inuu xilkaasi waayo, ayaa waxa markii u horeysay shaaciyay Cabdiraxmaan Daahir oo u waramayey barnaamijka Gorfeynta ee telefishanka RTN Soomaaliya.