Wasiir “Doorashada waa inay ku dhacdaa waqtigeeda” (VIDEO)

Sii-hayaha Wasiirka Amniga ahna Xildhibaan Hon. Mohamed Abukar Islow Duale, oo khudbad ka jeediyay Shirweynaha wada-tashiga beelaha Mudulood ayaa sheegay inay lama huraan tahay in doorasho dalka ka dhacdo marka uu dhamaado waqtiga loogu tala-galay.

“Doorashada waa inay ku dhacdaa waqtigeeda, maalinna laguma darsan karo, Madaxweyne Sheekh Shariif doorashada waqtigeeda ku qabtay, Madaxweyne Xasan Sheekh sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waa inuu raaca wadaddii Madaxdii ka horeysay” ayuu yiri Wasiir Islow.

Wasiir Islow ayaa intaas ku daray “Waxan arkay xalay xildhibaano shiraya oo raba in 2 sano lagu darsado. Waxaan leeyahay kuwaas Riyada kakaca, Riyaad ku jirtaan. Doorashada waqtigeeda waa in lagu qabtaa”