Xasan Sheekh “Dalku waa inuu doorasho aadaa, taasina cid diidi karto ma jirto” (VIDEO)

Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo khudbad ka jeedinayay Shirweynaha wada-tashiga beelaha Mudulood ayaa sheegay in muddo xileedka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ay gaba-gabo mareyso, lama huraana ay tahay in doorasho wadanku aado.

“Baarlamaanka xilligiisa wuu dhamaaday, dalkuna waa inuu doorasho aadaa, taasina cid diidi karto ma jirto, laakiin wax aan suura gal aheyn yaan ummadda loo sheegin waa inay dhacdaa doorasho heshiis lagu yahay” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray “Kalmada ah doorasho qof iyo cod waa wax sax ah, qof diidi kara ma jirto, laakiin waqtigii ay ku habbooneyd ma sheegin dowladda hadda jirta, 2016 markii waqtiga dhammaad ahaa ma dhihin doorasho qof iyo cod ma qaban karo ee hore ayaa u sheegnay”