Madaxweyne Deni oo booqday Kastamka Tuur-dibi ee duleedka Goldogob

Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo wafti uu hogaaminayo oo manta Safar shaqo ku tagay degmada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa booqday Kastamka Tuur-dibi oo mudo ay socotay howl galintiisa halkaasi oo noqonaysa bar ganacsi oo Soomaaliya iyo Itoobiya isku xiraysa gaar ahaan Puntland.

Madaxwayne Deni oo waftigiisa oo ka mid yihiin xubno ka tirsan xubno ka tirsan golaha Xukuumada, barlamaanka iyo maamulka gobolka mudug iyo kan degmada Galdogob ayaa kulan la qaatay wafti ka socday Itoobiya oo uu hogaaminayo Qunsulka Itoobiya ee Puntland u fadhiya waxaana layska waraystay Howlgalinta kastamka ee labada dhinac oo meel gabo gabo ah maraya.

Wasiirada Ganacsiga, maaliyada, iyo Amniga Puntland oo ah wasaaradaha ku shaqo howl galinta Kastamka dhinac Puntland ayaa sheegay in ay si dhakhso ah u dhamaystirayaan howlaha dhinacooda Qusulka Itoobiya u fadhiya Puntland ayaa dhinaciisa sheegay in dowlada Itoobiya dhinaceeda diyaarisay howlaha kastamka dhawaana uu toos u howl gali doono.

Madaxwaynaha Puntland oo ugu dambayn madasha ka hadlay wuxuu sheegay in howshaan oo mudo 7sano ah Jiitamaysay ay guul tahay in maanta ay gabo gabo joogto shaqaduna bilaabanayso dadka degaanka ayuu sheegay in ay faaido badan ka heli doonaan howl galida kastamka.