Puntland oo shaacisay kiis cusub oo COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa shaacisay kiis cusub oo cudurka COVID-19, kaddib baaris lagu sameeyay 24-saac ee lasoo dhaafay 20 ruux oo looga shakiyay xanuunka Safmareenka ah ee COVID-19.

Qofka cudurka laga helay oo dadiisu tahay 23 sanno jir, ayaa kunool magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland. Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa sheegtay in 3 qof ay kasoo caafimaadeen xanuunka.

Tirada guud ee dadka xanuunka COVID-19 laga helay gudaha degaanada Puntland ayaa hada gaartay 377 qof, waxaana u dhintay 9 qof, halka ay ka bogsadeen 194 qof.