Madaxweyne QoorQoor oo u dhoofay Dalka Turkiga (VIDEO)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi kaariye ayaa safar shaqo ugu amba baxay maanta Dalka Turkiga.

Madaxweyne QoorQoor oo inta uusan dhoofin garoonka diyaaraddaha Aadan Cade, kula hadlay saxaafadda ayaa faaf-faahiyey arrimo badan, isagoona carabka ku adkeeyay in shirka Dhuusamareeb ku qabsoomi doonno waqtigii lagu ballamay.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Madaxda Dowladda Fadaraalka, iyo Dowladaha xubnaha ka ah, doorkii wacnaa oo ay ka qaateen qabsoomida shirarkii hore, waxaana uu ku baaqay in shirka 15 Agoostana si mugleh looga soo qeyb-galo una rejeeyey inuu ku dhammaado guul iyo is-afgarad.