VIDEO: Lubnaan oo dalbatay gurmad caalami ah

Waxaa xaalad murugo ah galay dalka Lebanon oo caasimadiisa Beirut ay gil-gileen qaraxyo waa weyn, waxyar un ka hor salaadii Makhrib ee xalay.

Qaraxyada ayaa ka dhashay 2,750 tan oo ah maadada kiimiikada Ammonium Nitrate-ka loo yaqaano, taas oo lixdii sano ee la soo dhaafay ku keydsaneyd bakhaarro ku yaalla dekedda magaalada Beirut. Sidaas waxaa goor dhaw warbaahinta u sheegay Madaxweynaha dalkaas Mishaal Cown.

Waxaa illa hadda la xaqiijiyey geerida 78 qofood iyo dhaawcayada 4,000 qof oo kale, isla markaana waxaa weli socda gurmadka dadka looga soo saarayo dhismayaasha burburay hoostooda.

Ra’iisul wasaaraha dalka Lebanon Xasan Diyaab oo goor dhexe oo xalay ah hadlay ayaa dadka reer Lebanon ka dalbaday inay isu gurmadaan, si loo badbaadiyo dadka dhaawacmay iyo kuwa weli burburka ku hoos jira.

Dhibaato rabaani ah ayuu u sheegay dadkiisa inay ku dhacday, isla markaana ay ku qancaan qadarta Rabbi, iskuna gurmadaan, isaga oo u balan qaaday in dowladdu ay dadaaleyso inta karaankeeda ah.

Ra’iisul wasaare Xasan ayaa dowladaha caalamka intooda awooda ka dalbaday inay u soo gurmadaan oo ka gacansiiyaan sidii dadka ku nool magaaladan ay dhibaatadu ka dhacday ee Beirut loo samata  bixin lahaa.

Muuqaal la duubay markii uu dhacay qaraxii koowaad ayaa muujinaya uuro cirka ku shareeran iyo qaraxii labaad oo dhacaya, gabi ahaanba dhismayaashii ku teedsanaa dekedda Beirut ayaa burburay.

Musiibadan ka dhacaday Beirut waxay ku soo aaday, iyadoo la filayo in maalinta Jimcaha ah ee soo socota ay maxkamadda sare ee dalkaas go’aan ka soo saarto xukunka dilkii Ra’iisul wasaarihii hore Lebanon Rafik al-Xariri, kaas oo la dilay sanadkii 2005-tii.

Afar eedeysane ayaa loo heystaa dilka Ra’iisul wasaare Rafiiq, kuwaas oo dhamaantood ka tirsan ururka Xisbullah oo ay taageerto dowladda Iran. Inkastoo Xisbullah ay aad isaga fogeysay dilka Xariiri.

Waayihii dambe dalka Lebanon waxaa hareeyey dibadbaxayo looga soo horjeedo dhaqaale xumadii ugu darnayd oo taagan, tan iyo dagaalladii sokeeye ee dalkaas ka dhacay, sanadihii 1975-tii illaa 1990-kii, sida uu sheegay madaxweynaha dalkaasna qaraxyadani waa shil ee ma ahan kuwo siyaasadeysan.

Waxaa sidoo kale maalmahan ay dhibaato ka taagnayd xadka ay Lebanon la wadaagto Israa’iil oo toddobaadkan uu ka dhacay isku day ay ururka Xisbullaah ku dooneyeen inay gudaha u galaan dhulka Israa’iil.