Waa kuma Ra’iisul Wasaaraha cusub ee uu magacaabayo Farmaajo ?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda ku dhawaaqo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii daba-yaaqadii bishii July ay Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ay sheegeen inay kalsoonidii kala laabteen Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, daqiiqado kaddib Madaxweyne Farmaajo aqbalay.

Loolanka iyo soo xulashada Ra’iisul Wasaaraha oo maalmihii dambe laga dareemayay Madaxtooyada Villa Somalia,  ayaa wararku sheegayaan inay soo idlaadeen, iyadoona Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ay go,aamiyeen cida xilkan loo magacaabayo.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha cusub loo magacaabi doono Hanad Cabdullahi Axmed Cadow, kaas oo Talaadadii shalay aheyd diyaarad khaas ah ay kasoo dajisay Magaalada Muqdisho.

Hanad Cadow oo kasoo jeeda Koonfurta Magaalada Gaalkacyo (Sacad – Habargidir), ayaa horey Villa Somalia ugu magacowday Safiirka Faransiiska, wallow Dowladda Faransiisku aysan aqoonsan.