Wariye Abuuja oo xabsiga NISA laga sii daayay (VIDEO)

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa amartay in Weriye Maxamed Cabdiwahaab Abuuja xabsiga laga sii daayo oo xorriyadiisa dib loo siiyo kadib markii lagu waayay dambi ah dil, oo uu u xirnaa muddo 5 bilood ah

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute oo ku dhawaaqay Go’aanka Maxkamadda ayaa sheegay in baaris dheer kadib Wariye Abuuja lagu waayay dambi, isaga oo amray in Xabsiga laga sii daayo.