Wasiirka Caafimaadka Puntland “Waxaan diiwaan-gelinay Kiisas cusub oo COVID-19” (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr Jamac Farax Xasan, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ka waramay xaalada xanuunkanka safmareenka ah ee Covid19, isagoona sheegay in kiisas cusub laga helay degaanada Puntland, balse ay kooban yihiin.

Wasiir Jaamac ayaa xusay in dadka laga helayo cudurka ay si dhakhso ah uga soo caafimaadayaan, waxaana uu intaas ku daray in aan meesha laga saari karin in wali xanuunku uu jiro oo maalin walba kiisas cusub la helayo.

Sidoo kale, Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa ka hadlay furitaanka safarada dibada ah, waxaana uu sheegay in ka Wasaaradd ahaan ay Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland ka wada shaqayn doonaan sidii loogu fududayn lahaa dadka dalka dibadiisa aadaya Shahaado cadaynaysa in laga baaray lagana waayay xanuunka Covid19, taas oo ah mid aan la foorjargarayn karin laguna hubin doono garoomada diyaaradaha si loo ogaado in qofkii saxda ahaa uu shahaahada ku dhoofayo.