G/Sare Xuseen ”Ganacsatad waxaan lee yahay wax hubsada dowladana jawaabta ka suga” (VIDEO)

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, oo Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland ayaa ka hadlay Markab shalay ku sigtay inuu kusoo caariyo xeebta magaalada Boosaaso, kaddib markii uu ka habaabay marinkii ay soo maraan maraakiibta kusoo xirta Dekedda Boosaaso.

G/Sare Xuseen Cali, ayaa uga digay ganacsatada wararka beenta ah ee ay ka faafinayaan Dekedda Boosaaso, gaar ahaan dhacdooyinka noocan oo kale ah, isagoona ugu baaqay inay ka war sugaan Dowladda.