Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyay geerida Ganacsade Xaaji Maxamed Qaarey

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Dowladda Puntland-ba ayaa ka tacsiyeeyey geeriga Alle ha u naxariistee ganacsade Xaaji Maxamed Haaji Jaamac (Qaarey) oo ku geeriyoodey magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Marxuum Xaaji Maxamed Haaji Jaamac (Qaarey) ayaa ahaa ganacsade Soomaaliyeed oo qayb weyn kulahaa samatabixinta dalka burburkii kadib, waxaa uu ahaa muwaadin ka shaqeeya nabadda iyo isu soo dhoweynta ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale Marxuum Xaaji Maxamed (Qaarey) ayaa muddooyinkii dambe ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, waxaana uu laf-dhabar u ahaa ganacsatada dalkaasi.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, ganacsatada, ehelkii, qaraabadii, qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay uga tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Xaaji Mohamed Haaji Jaamac (Qaarey). Madaxweynuhu waxa uu Alle “SWC” uga baryey marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, kuna abaal mariyo Jannatul Fardawsa, samir iyo iimaanna kasiiyo eheladiisii.

=DHAMMAAD=